Nairobi: 4 qof oo u dhashay dalka Burundi oo loo xiray ka ganacsiga daroogada

0
276

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay afar eedeysanayaal oo loo haysto inay ka ganacsadaan daroogada.
Waxaa shakhsiyaadkan lagu qabtay nooca daroogada ee xashiishka oo culeyskiisu yahay 15 kiilogaraam.
DCI-da ayaa laga soo xigtay in afarta eedeysane ay u dhasheen dalka Burundi.
Waxay intaasi ku dartay in afarta qof aysan wadan warqado aqoonsi.
Shakhsiyaadkan ayaa dhammaan laga soo qabtay guriga eedeysanaha koowaad oo lagu raadjoogay oo ku yaalla aaga Kamulu ee waddada Kangundo ee magaalada Nairobi.
Eedeysanaha koowaad ayay waaxda DCI-da magaciisa ku sheegtay Haggai Anakeya Aniango.
Saddex eedeysane kale ayaa kala ah Mario Amukula, Josephine Shimunza iyo Shirimana Dorine.
Waxay haatan ku jiraan saldhigga booliiska ee Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa in dhawaan maxkamad la soo taago.