DHAGEYSO:Booliiska Dadaab oo la siiyay tababar ku saabsan ilaalinta xuquuqul aadanaha

0
201

Guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha ayaa deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa tababar ku saabsan arrimaha sharciga iyo in xuquuqul insaanka la ilaaliyo ugu qabtay saraakiisha laamaha ammaanka ee Dadaab.
Tababarkan oo socday labo maalmood ayaa waxaa ka qeyb galay hay’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga iyo sharci yaqaano ka socday laanta qaranka ee xuquuqda aadanaha .
Ibraahim Cabdi Qaasin oo ka mid ah madaxda waaxda xuquuqda ee qaran ayaa Star FM uga warramay muhiimadda tababarkan la siiyay saraakiisha booliiska ee ka howlgalo xeryaha qaxootiga iyo deegaanka Dadaab.