Militariga Myanmar oo kordhiyay muddada xaaladda degdegga ah

0
258

Dowladda militari ee maamusho dalka Myanmar ayaa 6 bilood oo dheeraad ah ku kordhisay muddada uu wadankaasi ku sii jiraya xaaladda degdegga ah.
Waxaa go’aankan qaatay golaha qaran ee difaaca iyo amniga ee Myanmar.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu waday in mudadii horay loo shaaciyay ee xaaladda degdegga ah ay soo idlaatay saqdii dhexe ee xalay .
Militariga Myanmar ayaa sheegay in uunan qaadi karin xaaladda degdegga ah ee jirta isagoo weli guud ahaan wadankaasi kula dagaallamaya mucaarad hubeysan.
Waxaa muddada la kordhiyay ku dhawaaqay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Myanmar Myint Swe.
Tallaabadan ayaa dib u sii dhigaysa doorashooyinkii ay militariga Myanmar ballan qaadeen inay qaban doonaan ka dib markii ay maamulkii rayidka ahaa talada dalkaasi qaab afgembi ah ugala wareegeen bishii Labaad ee sanadkii 2021.