Omollo oo ku baaqay in hoggaamiyeyaasha siyaasadda ay u hoggaansamaan sharciga marka ay qabanayaan isu imaatinnada dadweynaha

0
48

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dr. Raymond Omollo, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed in ay u hoggaansamaan sharciga marka ay qabanayaan isu imaatinnada dadweynaha, xilli ay dalka ka socdaan isu soo baxyo ay wadaan kooxo siyaasadeed oo kala duwan.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Kisumu intii uu ka qaybgalayay barnaamij lagu taageerayay wadeyaasha mootooyinka.
Omollo ayaa adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadaha dastuuriga ah, sida xaqa isu imaatinka iyo muujinta aragtida, balse arrimahaas ay tahay in lagu fuliyo si waafaqsan xeerarka dastuuriga ee dalka u degsan.
Waxaa uu xusay in kulamada dadweynaha iyo bannaanbaxyada ay u baahan yihiin in si rasmi ah loo ogeysiiyo booliiska, isla markaana loo hoggaansamo nidaamyada sharci ee jira.
Waxaa uu sidoo kale ka digay cabsi gelin iyo carqaladeyn lagu sameeyo isu imaatinnada, isaga oo sheegay in cid kasta oo jebisa sharciga lala tacaali doono si waafaqsan qawaaniinta dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qof kasta uu xor u yahay inuu la kulmo oo uu la hadlo muwaadiniinta kale, balse taasi ay ku xirnaanayso ilaalinta nabadda iyo kala dambeynta.
Dhanka kale, Omollo ayaa ugu baaqay dhallinyarada ku shaqeysa mootooyinka in aysan u oggolaan in si siyaasadeed loogu adeegsado kicinta rabshadaha.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto ay diiradda saarayso barnaamijyo awoodsiinaya dhallinyarada si ay u noqdaan kuwo isku filan, maadaama waaxdan ay shaqo siiso tiro badan oo dhallinyaro ah.
Hadalka xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Dr. Raymond Omollo ayaa imaanaya iyadoo kooxo mucaarad ah ay dowladda ku eedeeyeen faragelin lagu sameeyo isku imaatinnadooda siyaasadeed.