Xoghayaha Caafimaadka oo soo dhaweeyay heshiis ay saxiixdeen Kenya iyo Maraykanka

0
727

Xoghayaha Adeegyada Caafimaadka ee dalka Dr. Ouma Oluga ayaa bogaadiyey heshiis iskaashi oo ay wada saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Maraykanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in is-afgaradkan uu horseedi doono isbeddel wayn.
Ouma ayaa tilmaamay in heshiiska uu xoojin doono heykalka maalgelinta caafimaadka ee dalka iyo nidaamyada adeeg-bixinta.
Is-afgaradka oo dhawaan lagu saxiixay magaalada Washington, D.C ee Maraykanka ayaa ku kacaya 208 bilyan .
Kadib wada xaajoodyo socday bilooyin ayay labada dowladood ku heshiiyeen in Maraykanka uu muddo 5 sano ah si toos ah u maalgeliyo hay’adaha ugu muhiimsan ee caafimaadka ee Kenya sida caymiska caafimaadka bulshada ee SHA,Wakaaladda Casriga ee adeegyada Caafimaadka ee (DHA) iyo maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee dalka ee (KEMSA).