Xoghayaha Guud ee xisbiga waddanka hoggaamiya ee UDA Xasan Cumar ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in ay sida ugu kulul u cambaareynayaan rabshadihii shalay ka dhacay fagaaraha Nembure Grounds ee deegaan baarlamaneedka Manyatta ee ismaamulka Embu.
Waxaa uu xusay in ay halkaasi ku kulmayeen saraakiisha UDA ku matalo xarumaha codbixinta ee laga soo doortay deegaannada hoose.
Xasan ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in khalkhal la geliyey isku imaatin sharci ah.
Wuxuu sheegay in xisbiga UDA ay soo gaartay warbixin ah in dhallinyaradii rabshaddaasi sameeyay uu soo abaabulay uuna kormeerayey xildhibaanka deegaanka Manyatta John Gitonga Mukunji oo garab ka helayay shakhsiyaad xiriir la leh xisbiga DCP.
Hasa ahaate, xildhibaanka ayaa iska fogeeyay eedeyntaasi.
Xoghayaha Guud ee UDA ayaa intaasi raaciyey in baaxadda shaqaaqadii Embu ay tahay mid aan la aqbali karin maadaama ay tahay xadgudub wayn oo ka dhan ah ka-qaybgalka siyaasadeed ee dimuqraadiga ah.
Xasan Cumar ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegay in marka laga soo tago baabuurta la gubay dad shacab oo aan waxbo galabsan , dhowr ka mid ah xubnaha UDA iyo wariyeyaal lagu dhaawacay falkaasi.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dhacdooyinkaasi ay yihiin kuwo badowtinnimo oo ku saleysan cabsigelin ,burburin iyo rabshad gacan-qaad ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay si gaar ah u cambaareynayaan xildhibaanka deegaanka Manyatta iyo xisbiga DCP.
Madaxa xisbiga DCP Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa qoraal ku sheegay in falcelintii ciidamada booliiska ee shalay ee ismaamulka Embu si toogasho ah lagu dilay labo ruux dhowr kalena la dhaawacay.
Wuxuu madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki u sheegay in uunan marnaba kala qaybin karin shacabka gobolka Bartamaha Kenya.
Gachagua ayaa xusay in shacabka ismaamullada Tharaka Nithi iyo Embu aynan u baahnayn in la soo abaabulo si ay kulamo uga qayb galaan.
Xoghayaha UDA ayaa sheegay in la doonaya in masraxyada siyaasadeed loogu tartamo fikradaha hor-usocodka leh ee lagu beddelaya bulshooyinka iyadoo la adeegsanaya siyaabo dimuqraadi oo sharci ah oo ka maran rabshad abaabulan , cago-juglayn iyo burburin hantiyeed.
Dhacdooyinkii shalay laga soo tabiyey ismaamulka Embu ayuu Xasan Cumar sheegay in ay yihiin kuwo baalmarsan oo su’aallo adag gelinaya u hoggaansanka nidaamka maamulka ee xisbiyada siyasadeed iyo doorashooyinka.
UDA ayaa dhanka kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC iyo xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee waddanka ee ORPP u soo jeedisay in ay si degdeg ah u baaraan falkaasi .
Xoghayaha ayaa war-saxaafadeedka ku soo gabagabeeyay inay Waaxda Dambi Baarista dalka ee DCI ugu baaqayaan inay billowdo baaritaanno degdeg ah oo aan cidna loogu eexan.
DCI waxaa qasab ku ah sida uu Xasan Cumar sheegay in la aqoonsado dhammaan dadkii dhibaatooyinkaasi ka dambeeyay oo dacwado lagu soo oogo.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki oo munaasabaddaasi hoggaamineyay ayaa dhankiisa qoraal ku sheegay in xisbiga United Democratic Alliance (UDA) uu ka qoomamoonaya khasaaraha iyo burburka halkaasi ka dhacay.
Wuxuu sheegay in ay saraakiisha fulinta sharciga ka dalbanayaan inay tallaabooyin ciqaab ah ka qaadaan dhammaan dadkii ku lugta lahaa shaqaaqadaasi siyaasadeed.
Kindiki ayaa intaasi raaciyey in ka xisbi ahaan ay u taagan yihiin siyaasadda ku saleysan waxqabadka horumarineed.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in hoggaanka UDA ee dowlad deegaanka Embu loo xilsaaray inuu soo xaqiijiyo baaxadda khasaaraha ama burburka shalay dhacay si la isugu dubarido falcelinnada garab istaagga loogu muujinaya dhammaan dadkii ay saameynta ka soo gaartay.




