Waxaa weli socdo dagaalka u dhexeeya xoogagga Xuutiyiinta iyo ciidamada Sacuudiga ee taageeraya dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.
Duqeymaha ay labada dhinac iswaydaarsanayaan ayaa laga soo tabiyey barkontoroolka muhiimka ah ee Bab al-Mandeb oo dhaca Badda Cas ee Xeebta Yemen.
Iskudhacyada ayaa sababay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay Yemen ka barakaceen oo ay dhanka dalka Jabuuti u qaxeen ilaa 1,400 oo qof sida uu sheegay wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Jabuuti.
Dhanka kale,waxaa lagu soo warramayaa in madfac lagu bartilmaameedsaday markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Iiraan xilli uu marayey meel u dhow jasiiradda Qeshm.
Warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB ayaa tabisay in weerarkaasi hal qof lagu dilay saddex kalena lagu dhaawacay.




