Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa sheegay inay iskaga baxeen magaalada Jenin ee dalka Falastiin.
Tallaabadan ayay qaadeen ka dib markii ay halkaasi ka fuliyeen weerar lagu sheegay mid ka mid ah kuwii ugu waynaa ee tobaneeyo sano laga gaystay Daanta Galbeed.
Weerarrada oo socday labo cishe ayaa lagu dilay ugu yaraan 12 qof oo Falastiiniyiin ah oo looga takhalusay Jenin halka mid kale lagu dilay magaalada Ramallah iyadoo dhowr kalena la dhaawacay.
Dhanka kale kumanaan qof oo ka mid ah shacabka Falastiin ayaa ka soo qayb galay aas loo sameeyay dadkii ay ciidamada Israa’iil ku dileen magaalada Jenin.




