Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa madaxa xisbiga DCP Rigathi Gachagua ku dhaliilay inuu jeedinaya eedeymo waxba kama jiraan ah oo la xiriira caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxaa uu Ducaale ka dalbaday Gachagua inuu soo bandhigo caddeymo wax ku ool ah.




