Weerarka Mareykanka iyo Israa’iil oo sababay dhimashada 15 qof sida ay sheegtay warbaahinta Iiraan

0
483

Weerarka gantaal ee ka dhacay aagga warshadaha ee magaalada dhexe ee Isfahan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof, kuwaasoo waqtigaas ku jiray warshad soo saarta qalabka kuleylka iyo qaboojinta, sida ay sheegtay warbaahinta Iiraan.
Weerarka ayaa dhacay Sabtidii waxaana warbaahinta Fars ay sheegtay in ay fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil.
Xaaladdan ayaa timid maalintii 15-aad ee khilaafka, kaas oo Wasaaradda Caafimaadka Iiraan ay sheegtay inuu ilaa hadda sababay dhimashada 1,444 qof iyo dhaawaca in ka badan 18,500 qof tan iyo markii weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ay dalka ka bilaabeen 28-kii bishii hore ee Febraayo.