Lubnaan iyo Israa’iil oo ku dhow wareegii ugu horreeyay ee wadahadallada

0
494

Lubnaan iyo Israa’iil ayaa qaaday tallaabo ku aaddan qabashada kulankii ugu horreeyay ee wadahadalka lagu soo afjari lahaa dagaalka ka socda Lubnaan.
Weli heshiis kama aysan gaarin sida loo qabanayo kulanka, inkastoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, uu Sabtidii ka sheegay magaalada Beirut in “waddooyinka diblomaasiyadeed” ay diyaar u yihiin in lagu soo afjaro dagaalka.
Ilo wasiirro ah ayaa u sheegay wargeyska Asharq Al-Awsat in la isku raacay in kulan dhex mara Lubnaan iyo Israa’iil la qabto, balse goobta iyo taariikhda aan weli la shaacin.
Faransiiska iyo Qubrus ayaa labaduba soo bandhigeen inay martigelin karaan wadahadallada.