Weerar ka dhacay waqooyi galbeed ee dalka Nageria oo lagu dilay sagaal qof

0
502

Ugu yaraan sagaal qof ayaa la soo wariyay in la dilay qaar badana la afduubay ka dib weerar ka dhacay waqooyi-galbeed ee Nigeria, dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa sheegay, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ka dhanka ah beeralayda oo ay geystaan kooxo lagu tilmaamay “burcad”.
Weerarkii dhimashada badnaa ee Jimcihii ayaa ka dhacay gobolka Zamfara, oo xudun u ah weerarrada ay geystaan rag aad u hubeysan oo burcad ah kuwaas oo sannadihii u dambeeyay dhibaatooyin ka waday gobollada waqooyi-galbeed ee Nigeria, oo ay qafaasheen kumannaan, boqolaalna ay ku dileen, kana dhigeen mid aan ammaan ahayn in lagu safro waddooyinka.