Suuriya iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin, sida uu sheegay Safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, Tom Barrack.
Waxaa uuna ku dhawaaqay, inuu heshiis aan xasilloonayn dhex-maray dalalka deriska ah, ka dib maalmo duqeymo cirka ah iyo dhiig ku daatay gobolka Suwayda ee Koonfur-galbeed Suuriya.
Barrack waxa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay X subaxnimadii Sabtida in xabbad joojinta u dhaxaysa Suuriya iyo Israa’iil ay “ay taageerto” Washington ay qeyb ka qaateen wadamada Turkiga, Jordan iyo Suuriya.




