Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay inuu kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada waddamada Indonesia , Algeria , Masar iyo Soomaaliya ku matalo Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Indonesia uu yahay mid ku saleysan iskaashi dibloomaasiyadeed iyo dhaqaale gaar ahaan dhanka ganacsiga, maalgashiga iyo gaashaandhigga.
Waxaa uu intaasi ku daray in labada dowladood ay ka wada shaqeynayaan fursadaha tamarta, beeraha, waxbarashada, daryeelka caafimaad, tiknolojiyadda iyo macdanta.
Kulanka Musalia Mudavadi iyo danjiraha Indonesia ee Kenya Ambasadoor Witjaksono Adji ayaa xoogga lagu saaray sii adkeynta xiriirka labo geesoodka ah.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa sidoo kale la kulmay safiirka Algeria ku matalo Kenya Ambasadoor Farid Ouahid Dahmane waxayna isla eegeen dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo isdhexgalka bulshada.
Mudavadi ayaa dhanka kale xusay in Kenya ay ka go’an tahay xaqiijinta xasilloonida gobolka iyo si guud qaaradda Afrika.
Waxay isaga iyo danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya ee dalkani Kenya Ambasadoor Jabriil Ibraahim Cabdulle ay ku heshiiyeen ka wada shaqeynta nabadgalyada iyo danaha kale ee ay waddamadaan wadaagaan.
Labada dhinac ayaa yeeshay kulan iyo wada-hadallo ku dhisnaa Isfaham iyo kalsooni.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday arrimo badan sida xoojinta xasilloonida gobolka, kor u qaadista iyo fududeynta isu-socodka dadka, dhiirrigelinta ganacsiga u dhaxeeya labada dal, sare u qaadidda iskaashiga laba geesoodka ah, dib u eegista Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga (JCC), iyo Hal—abuur ku wahajan waddooyin cusub ee iskaashi kuwaas oo labada dal u horseedi kara korriin iyo barwaaqo.
Sidoo kale , Musalia Mudavadi iyo safiirka Masar ee Kenya Hatem Yousri Hosni ayaa isla gartay in la sii wado iskaashiga sanadaha badan soo jiray ee dhanka ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada,caafimaadka iyo nabadgalyada.




