Waddamada caalamka oo Maraykanka cambaareeyay

0
391

Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa dowladda Maraykanka ku dhaliilay in ay awoodda diidmada qayaxan u adeegsatay codeyntii golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ee ku aaddanayd in ay xabbad joojin degdeg ah ka dhaqan gasho Qaza.
Golaha UNSC ayaa eegayay qaraar arrinkan ku aaddan oo ay soo saartay dowladda Algeria.
Waa markii saddexaad oo uu Maraykanka awoodda diidmada qayaxan ee Veto Power uu u adeegsaday qaraarrada UNSC ee lagu doonaya in Qaza ay ka dhaqan gasho xabbad joojin.
Wakiilka Shiinaha ku matalo qaramada midoobay Zhang Jun, ayaa tallaabada ay qaadday xukuumadda Washington ku tilmaamay mid laga xumaado wuxuuna sheegay in ay si dadban u ansixinaysa in uu sii socdo xasuuqa shacabka.
Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in Maraykanka uu furay bal madow oo galaya taariikhda golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Danjiraha Faransiiska ee qaramada midoobay ,Nicolas de Riviere ayaa dhankiisa wax laga qoomamoodo ku tilmaamay in aan la dhaqangelin karin qaraarkii UNSC iyadoo ay xaalado laga naxo ka taagan yihiin Qaza.
Algeria ayaa dhankeeda sheegtay in mar kale uu fashilmay golaha ammaanka ee qaramada midoobay waxayna ka digtay in tani ay saameyn wayn ku yeelanaysa guud ahaan Bariga Dhexe.
Ururka Xamaas ayaa dhankiisa xusay in tallaabada maamulka madaxweyne Joe Biden ay garab siinaysa ajeendaha Israa’iil ee haysashada dhulka Falastiin , dilka iyo barakicinta shacabka.
Waxaa dareen kani la mid ah muujisay dowladda Falastiin ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabbaas.
Wakiilka dowladda Qatar ee qaramada midoobay Alya Axmed Saif Al Thani ayaa arrin laga qoomameeyo ku tilmaantay tallaabada Maraykanka ee adeegsiga awoodda diidmada qayaxan.
Waxay sheegtay in ay sii wadi doonto u ololeynta dadaallada ay xabbad joojin uga dhaqan galaysa Qaza.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda sheegtay in loo baahan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Waxaa sidoo kale tallaabadii uu Maraykanka qaaday dhaliilay Norway, Cuba iyo hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International.
Waxaa xabbad joojinta Qaza codkooda ku taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay halka Ingiriiska uu ka gaabsaday codeynta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo duqeymaha Israa’iil ay ka wado Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore lagu dilay in ka badan 29,000 qof oo Falastiiniyiin ah.