4 booliis ah oo loo haysto inay ka qayb qaateen dad Itoobiyaan ah oo dalka soo galay

0
264

Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay afar ka mid ah ciidamada booliiska.
Waxaa saraakiishan lala xiriirinaya fududeynta howlaha tahriibka.
Tani ayaa timid ka dib markii 37 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Itoobiya lagu arkay guri ku yaalla aagga Mwihoko ee xaafadda Kayole.
Waxaa howlgalka lagu soo qabtay muwaadiniintan iska kaashaday ciidamada waaxyo kala duwan oo ay hoggaaminaysay laanta qaabilsan la tacaalidda falal dambiyeedyada iskaga gudbo waddamada ee (TOCU) oo garab ka helaysa booliiska Githurai.