Ukraine oo sheegtay in 55,000 oo sarkaal ay uga dhinteen dagaalka Ruushka

0
864

Ukraine, Ruushka iyo Mareykanka ayaa maalintii labaad wadahadallo ku leh magaalada Abu Dhabi iyadoo dagaalka uu sii xoogaysanayo ku dhawaad afar sano ka dib markii Ruushka uu si buuxda u weeraray Ukraine.
Xukuumadda Kyiv ayaa sheegtay in maalintii ugu horreysay ee wadahadallada ay ahayd “mid wax ku ool ah oo wax soo saar leh”, inkastoo aysan jirin wax horumar ah oo muuqda oo khilaafaad waaweyn ay weli jiraan.
Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in tirada askarta Ukraine ee lagu dilay dagaalka lagu qiyaasay 55,000.
Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in laba qof ay ku dhaawacmeen weerar diyaaradeed oo Ruushku uu habeenimadii xalay ku qaaday caasimadda Ukraine.