Jaamacadda Bomet oo ka baxday ku-tiirsanaantii jaamacad kale

0
829

Dowladda ayaa cilmi baarista iyo hal abuurka ka dhigtay tiir muhiim ah oo ka tirsan waxbarashada sare, sida uu sheegay madaxweyne William Ruto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in abuurista Waaxda Gaarka ah ee Sayniska, Cilmi baarista, iyo Hal abuurka ay muujinayso go’aanka dalka ee lagu xoojinayo tababarka Sayniska, Tiknoolajiyada, Injineerinka iyo Xisaabta (STEM), korne loogu qaadayo helitaanka aqoonta, iyo in fikradaha loo beddelo ganacsi.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda ay qorsheyneyso in Sanduuqa Qaran ee Cilmi baarista la hirgeliyo, iyadoo maalgashiga laga kordhinayo boqolkiiba 0.8 ilaa 2 boqolkiiba wax soo saarka guud ee dalka. Waxaa la qorsheynayaa in muddo toban sano ah la dhiso aasaas cilmi baaris iyo hal abuur oo dhan 1 trillion oo shillinka dalka ah.
Ruto ayaa sheegay in tan aysan ku koobnayn kaliya sheybaarada iyo daabacaadaha, balse sidoo kale ay muhiim u tahay maalgelinta shirkadaha cusub, suuq geynta hal abuurka, iyo dhisidda jiil cusub oo saynisyahanno, injineero, iyo hal abuurayaal ah oo ka qayb qaadan doona isbeddelka dhaqaale ee dalka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sheegay in markii Jaamacadda Bomet la siiyay shati, ay noqotay jaamacadda 36-aad ee dowladda oo la shatiyeeyo.
Dalka ayaa hadda leh 83 jaamacadood u adeega ku dhawaad 630,000 arday, taasoo muujineysa go’aanka dowladda ee lagu ballaarinayo fursadaha waxbarasho iyo tayada waxbarashada sare.
Ruto ayaa intaa ku daray in ballaarintan ay la jaanqaadeyso himilada dowladda ee ah in qof kasta oo u qalma uu helo fursad cadaalad ah oo uu ku helo waxbarasho sare isla markaana kasbado xirfado ku habboon dhaqaalaha casriga ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dib u habaynta waxbarashada dalka ay dib u qaabeynayso waxbarashada sare iyadoo lagu salaynayo caddaalad, isla xisaabtan, iyo guusha ardayga.