Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha Qaza ku dilay in ka badan 93 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa sidatan laga soo xigtay ilo wareedyo caafimaad oo u warramay warbaahinta caalamiga ee Al Jazeera.
30 ka mid ah dadka la dilay ayaa xilligaasi sugayay in loo qaybiyo cunno gargaar ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxay Israa’iil duqeymo ku dishay ugu yaraan 58,573 ruux halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 139,607 kale.




