Ugu yaraan 60 qof ayaa dhimatay halka dhowr kalena la la’yahay ka dib markii uu gubtay suuq wayn oo laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Kut ee Bariga dalka Ciraaq.
Waxaa sidatan wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ilaha amniga iyo maamullada caafimaadka.
Sarkaal lagu magacaabo Ali al-Mayahi ayaa sheegay in ay aqoonsadeen 59 meydad ah halka weli la raadinaya meydad dheeraad ah.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac ka baxaya dhisme ka kooban 5 dabaq oo ku yaalla magaalada Kut iyo saraakiisha waaxda dab damiska oo isku dayaya in ay dabka xakameeyaan.
Guddoomiyaha gobolka Wasjit ,Mohammed al-Mayahi, ayaa sheegay in dabka uu ka billowday suuqa laga adeegto iyo maqaaxi xilli ay qoysas halkaasi ka dukaameysanayeen kuwo kalena ay casheynayeen.
Dhowr qof ayaa halkaasi laga soo badbaadiyay iyadoo ugu dambeyn dabka la demiyay.
Waxaa lagu dhawaaqay saddex cishe oo baroordiiq ah iyadoo la guda galay baaritaan ku aaddan dhacdadaasi.
Waxaa uu qorshuhu yahay in natiijada baaritaanka la soo saaro 48 saacadood gudahooda.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda Ciraaq ee INA oo soo xiganaysa guddoomiyaha ayaa qortay inuu dhacdada ku tilmaamay musiibo.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay billaabeen dacwad ka dhan ah milkiilaha dhismaha.




