Ugu yaraan 4 qof oo ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay India

0
277

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan afar ruux halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil tareen oo laga soo tabiyay gobolka Bihar ee dalka India.
Warbaahinta maxalliga ee India oo soo xiganaysa saraakiisha wadankaasi ayaa ku warramaysa in tareenka uu qallibmay.
Shilka ayaa dhacay abaare 9:35 habeenimo ee xalay ee saacadda dalkaasi India.
Maamulaha guud ee shirkadda tareennada Tarun Prakash ayaa laga soo xigtay in weli aynan caddeyn sababta rasmiga ee keentay in tareenka uu gadoomo.
Bishii 6-aad ee sanadkan ayay ahayd markii India oo ka dhacay shilkii tareen ee ugu dhimashada badnaa muddo labaatan sano ah waxaana xilligaasi ku nafwaayay 288 qof.