Mudanaha deegaanka Gatanga Edward Muriu ayaa baarlamaanka u gudbiyay mooshin ku saabsan arrimaha waxbarashada.
Waxaa uu doonaya in la kordhiyo miisaaniyadda dhaqaale ee ay wasaaradda tacliinta ee dalka ku bixiso barnaamijka cunnada ee ardayda.
Siyaasigan ayaa carrabka ku adkeeyay in lacagaha hadda la siiyo dugsiyada aynan ku filnayn in barnaamijkan uu noqdo mid ballaaran oo ay arday badan ka faa’iidaan.
Mudanaha deegaanka Gatanga ayaa dalbanaya in lacagta ay dowladdu ugu talagashay in ardayga lagu quudiyo oo hadda ah 1,420 shilin in laga dhigo ugu yaraan 7,760 oo shilin sanadkiiba.




