Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa maanta billaabay inuu turxaan bixin ku sameeyo xubnaha golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Turxaan bixinta oo ay shakhsiyaadkan ku difaacayaan sida ay ugu qalmaan qabashada jagooyinka loo igmaday ayaa socon doonto ilaa 5-ta galabnimo ee Axadda.
Waxaa ugu horreeya oo maanta guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta saraakiisha loo soo magacaabo xilalka dowladda hor tagi doono Prof. Kithure Kindiki oo uu mar kale madaxweynaha u magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran.
Waxaa ku xigi doonto Dr. Debra Mulongo Barasa , wasiirrada loo soo magacaabay caafimaadka ( abaare 10-ka barqannimo).
Saacaddu marka ay tahay abaare 12-ka duhurnimo ee maanta ,Alice Wahome wasiiradda arrimaha dhulalka, howlaha guud, guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka ayaa la wareysan doonaa.
Mr. Julius Migosi Ogamba, wasiirka waxbarashada ayaa isna su’aallo la waydiin doonaa abaare 3-da galabnimo ee maanta halka iyo Roselinda Soipan Tuya, wasiiradda difaaca ay guddiga turxaan bixinta hor tagi doonto abaare 5-ta galabnimo.