Madaxa xisbiga DCP Rigathi Gachagua iyo ku xigeenka hoggaamiyaha xisbiga Jubilee Dr. Fred Matiang’i oo maanta gaaray ismaamulka Kajiado ayaa dowladda talada haysa ku eedeyay in ay carqaladeynaysa hannaanka dimuqraadiga ee dalka ka jiro.
Waxay dadweynaha ka codsadeen in ay isku diiwaangeliyaan ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2027-da si loo dhaqangeliyo isbeddel hoggaamineed.
Siyaasiyiintan ayaa xusay in qof kasta oo adeegsanaya shaqaaqo ka dhan ah kenyaanka ay qasab tahay inuu fahmo in shacabka ay u baahan yihiin waddooyin wanaagsan, magaalooyin nadiif ah, adeegyo wacan iyo canshuurta ay bixiyaan oo si wanaagsan loo isticmaalo.
Gachagua ayaa sheegay in isaga iyo Matiang’i , madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhiggiisa DAP-K Eugene Wamalwa ay ku heshiiyeen in ay soo saaraan hal musharrax oo sanadka dambe la tartamo madaxweyne William Ruto.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Siyaasiyiinta mucaaradka oo dowladda ku eedeyay carqaladeynta dimuqraadiyadda




