DHEGEYSO:Wasaaradda caafimaadka oo ka digtay in laga faa’iidaysto bukaannada isticmaala SHA

0
115

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka dalka ,Mary Muthoni ayaa digniin adag u dirtay maamullada isbitaallada ee isku daya in ay dhaqaale ahaan ka macaashaan dadka iska diiwaangeliyay caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxay madal dadweyne oo lagu qabtay ismaamulka Kirinyaga ka sheegtay in shakhsiyaadkan ay halis ugu jiraan xarig iyo dacwad lagu soo oogo.
Mary Muthoni ayaa xustay in dowladdu ay tallaabo adag ka qaadeysa saraakiisha ka howlgalo isbitaallada heerarka 2, 3, iyo 4-aad ee si sharci darro ah lacago uga qaado bukaannada ka diiwaangashan caymiska SHA.
Sidoo kale , xoghayaha ayaa ka digtay siyaasadeynta arrimaha caafimaadka waxayna dadweynaha ku boorrisay in ay raacaan hab-raacyada habboon ee bukaannada ay xaaladdoodu liidato loogu wareejiyo isbitaallada kale.