Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Linda Mwananchi, Edwin Sifuna, ayaa shaaciyay jadwalka safar uu ku tagayo Mareykanka, kaas oo isugu jira kulamo dadweyne, wada-hadallo siyaasadeed iyo kulammo uu la yeelan doono bulshada Kenyaanka ah ee ku nool dalkaas.
Senatarka Nairobi ayaa sheegay in safarku bilaaban doono 21-ka Nofeembar, isagoo ka furmi doona gobolka New Jersey, kuna soo dhammaan doona Silicon Valley ee gobolka California 7-da Diseembar 2026.
Sifuna ayaa farriin uu ku baahiyay barta X ugu yeeray Kenyaanka ku nool Mareykanka inay ka soo qaybgalaan kulamada loo qorsheeyay, isaga oo sheegay in inkasta oo aanay booqan doonin dhammaan magaalooyinka iyo gobollada, haddana ay qorsheynayaan safarro kale.
Safarka ayaa 21-ka Nofeembar ka bilaaban doona magaalada Hackettstown ee gobolka New Jersey, halkaas oo si rasmi ah looga furi doono xafiiska dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi.
22-ka Nofeembar, wafdigu wuxuu tegi doonaa magaalada Allentown ee gobolka Pennsylvania, halkaas oo ay marka hore ka qayb geli doonaan adeeg kaniisadeed, kaddibna ay qaban doonaan kulan dadweyne oo ka dhici doona The Palace Center, inta u dhexeysa 2-da duhurnimo iyo 6-da fiidnimo.
23-ka Nofeembar, waxaa la qorsheeyay casho ay la yeelan doonaan ganacsatada gobolka Maryland, halka 24-ka Nofeembar ay Washington DC kaga qayb geli doonaan kulan looga hadlayo siyaasadda iyo xiriirka gobolka Bariga Afrika.
Barnaamijka 24-ka Nofeembar waxaa sidoo kale ku jira kulan qado ah oo ay la yeelan doonaan ururka Afri Thrive iyo mas’uuliyiin la soo doortay oo ka tirsan gobolka Maryland, iyo casho rasmi ah.
25-ka Nofeembar, wafdiga ayaa kulan quraac ah la yeelan doona haweenka ku nool aagga Washington DC, Maryland iyo Virginia (DMV). Waxa kale oo ay kulmi doonaan dhaqdhaqaaqyada 6.25 Movement iyo Gen Z Movement, ka hor kulan kale oo dadweyne.
Safarka ayaa 27-ka Nofeembar gaari doona magaalada Dallas ee gobolka Texas, halkaas oo wafdigu ka qayb geli doono casho loogu dabaaldegayo Thanksgiving, taas oo ka dhici doonta xarunta Mar Thoma Event Center.
29-ka Nofeembar, wafdigu wuxuu booqan doonaa Houston, halkaas oo lagu qaban doono kulan haweenka loogu talagalay iyo kulan dadweyne oo ka dhici doona hoteelka Sheraton.
3-da iyo 4-ta Diseembar, wafdiga ayaa kulamo ka sameyn doona magaalada Seattle iyo nawaaxigeeda ee gobolka Washington. Barnaamijka waxaa ku jira adeegyo kaniisadeed, casho sharafeed ka dhici doonta Aura Event Center ee magaalada Renton iyo kulan dadweyne oo lagu qaban doono Pabla Punjabi ee Federal Way.
5-ta Diseembar, wafdigu wuxuu qaban doonaa kulan dadweyne oo ka dhici doona Broadway Event Hall ee magaalada San Francisco, waxaana xigi doona casho sharafeed lagu qaban doono Oakland Marriott City Center.
Safarka ayaa si rasmi ah ugu soo dhammaan doona 7-da Diseembar kulan casho ah oo ka dhici doona Silicon Valley, inkasta oo aan weli la shaacin goobta lagu qaban doono.
Kulamadan ayaa fursad siinaya Sifuna iyo dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi inay xiriir la yeeshaan Kenyaanka ku nool dibadda, isla markaana ay kala hadlaan arrimaha siyaasadda Kenya iyo Bariga Afrika.
Safarka ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira doorashada guud ee Kenya ee 2027-ka, iyadoo hoggaamiyeyaasha mucaaradku ay dadaal ugu jiraan ballaarinta taageeradooda gudaha iyo dibadda dalka.
Home Wararka Kenya Sifuna oo shaaciyay jadwalka safarka siyaasadeed ee Linda Mwananchi ay ku mari...




