Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa miisaaniyadda qaranka ee sannad-maaliyadeedka 2027/2028 ku qiyaastay 5.235 tiriliyan oo shilin, taas oo ka badan miisaaniyadda sannad-maaliyadeedka 2026/2027 oo ahayd 4.8 tiriliyan oo shilin.
Miisaaniyadda cusub ayaa loogu talagalay in lagu taageero qorshaha dowladda ee isbeddelka dhaqaalaha ee ku salaysan kobcinta dhaqaalaha laga soo bilaabo heerka hoose ee Bottom-Up Economic Transformation Agenda–BETA.
Warbixinta Siyaasadda Miisaaniyadda ee 2027 ayaa muujinaysa in dowladda ay qorshaynayso inay sii waddo dhimista kharashaadka dheeraadka ah iyo xoojinta dadaallada dakhli ururinta, si loo xakameeyo kororka deynta qaranka.
Qorshaha kharashaadka dowladda ee sannad-maaliyadeedka 2027/2028 ayaa waxaa ka mid ah Sh3.8 tiriliyan oo loogu talagalay kharashaadka joogtada ah, taas oo u dhiganta 16.6 boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee dalka.
Sidoo kale, Sh917.1 bilyan ayaa loo qoondeeyay mashaariicda horumarinta, halka Sh506.5 bilyan loo qorsheeyay in lagu wareejiyo dowlad-deegaannada. Sanduuqa gurmadka degdegga ah ee dowladda ayaa isna heli doona Sh2 bilyan.
Dowladda dhexe ayaa la filayaa inay hesho Sh3.248 tiriliyan, kuwaas oo ay ku jiraan Sh3.164 tiriliyan oo loo qoondeeyay waaxda fulinta, marka la barbar dhigo Sh2.92 tiriliyan oo loo qoondeeyay sannad-maaliyadeedka 2026/2027.
Baarlamaanka Kenya ayaa heli doona Sh52.57 bilyan, halka garsoorka loo qoondeeyay Sh31.4 bilyan.
Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa saadaalisay in dakhliga guud ee dowladda uu gaari doono Sh3.923 tiriliyan, taas oo u dhiganta 17.1 boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee dalka. Lacagtani waxay ka badan tahay Sh3.63 tiriliyan oo la saadaaliyay in dowladda ay ururiso sannad-maaliyadeedka 2026/2027.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kordhinta dakhliga lagu gaari doono dib-u-habayn lagu sameeyo siyaasadaha canshuuraha, ballaarinta dadka iyo ganacsiyada canshuurta laga qaado iyo xoojinta u hoggaansanaanta shuruucda canshuuraha.
Home Wararka Kenya Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda sannad-maaliyadeedka 2027/2028 ku qiyaastay 5.235 tiriliyan shilin




