Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa maanta oo Arbaco ah khudbadda xaaladda qaranka ka jeedin doona xarunta Baarlamaanka ee magaalada Nairobi.
Khudbaddan sannadlaha ah ayaa noqon doonta tii ugu dambeysay ee uu madaxweynuhu jeediyo muddadiisa koowaad ee xilka madaxtinnimada.
Khudbadda oo uu ka hor jeedin doono kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Golaha Qaranka iyo Aqalka Senate-ka ayaa la filayaa inay dhacdo galabta.
Shacabka Kenya ayaa muujiyay rajada ah in madaxweynuhu khudbaddiisa kaga hadlo arrimo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa iyo sare u kaca qiimaha maciishadda.
Senatarka gobolka Migori, Eddy Oketch, oo ka hadlayay barnaamijka Day Break ee Citizen TV, ayaa khudbadda soo socota ku tilmaamay fursad dib loogu qiimeeyo waxqabadkii afartii sano ee maamulka Ruto.
Senatarku wuxuu sheegay inuu filayo in madaxweynuhu ka hadlo arrimaha amniga iyo tilmaamayaasha dhaqaalaha.
“Waxaan galeynaa xilli doorasho. Amni-darradu waxay xilligaas noqotaa arrin weyn,” ayuu raaciyay.
Dhankeeda Wakiilka Haweenka Mombasa Zamzam Maxamad ayaa boggadisay hormarka maamulka madaxweyna Ruto uu ka sameeyay gobolka xeebta iyo guud ahaan dalka.
Waxay sido kale sheegtay in wada shaqynta ODM iyo UDA uu xoogganyahay, isla markana uu xisbiga ODM ay dhamaan deeganada kala duwan ka soo sharaxi doonaan musharaxiin.




