Dowladda Kenya oo ka digtay in carruurta loo adeegsado ururinta deeqaha lacageed ee internetka

0
42

Waaxda Adeegyada Carruurta ee Kenya ayaa uga digtay hay’adaha samafalka iyo shakhsiyaadka inay sawirrada, muuqaallada iyo xogta gaarka ah ee carruurta u adeegsadaan ururinta deeqaha lacageed ee baraha internetka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dhaqanka noocan ahi carruurta u horseedi karo tacaddiyo, ka faa’iidaysi iyo ku xadgudub xuquuqdooda aasaasiga ah.
Xoghayaha Waaxda Adeegyada Carruurta, Carren Ageng’o, ayaa walaac ka muujisay kororka isticmaalka sawirrada, muuqaallada iyo xogta shakhsiga ah ee carruurta ee baraha bulshada, gaar ahaan marka loo adeegsanayo xayeysiinta hawlaha samafalka, ururinta deeqaha iyo barnaamijyada gargaarka bani’aadannimo.
Ageng’o ayaa carrabka ku adkaysay in carruurta la caawin karo iyada oo aan la shaacin arrimahooda gaarka ah ama aan la dhaawicin sharaftooda si taageero dhaqaale looga helo bulshada.
Waxay sheegtay in inkasta oo hay’adaha samafalka, bahwadaagta horumarinta iyo dadka samafalka jecel ay door muhiim ah ka qaataan caawinta carruurta iyo qoysaska nugul, haddana gargaarkaas uusan sabab u noqon karin in la halis geliyo asturnaanta iyo badbaadada carruurta.
Xoghayaha ayaa sidoo kale ka digtay in carruurta loo sawiro ama sawirradooda la faafiyo iyada oo aan oggolaansho habboon la haysan. Waxay si gaar ah uga digtay shaacinta aqoonsigooda, xaaladahooda caafimaad iyo duruufaha qoysaskooda si bulshada loogu kiciyo naxariis iyo inay lacag ku deeqaan.
Wasaaraddu waxay hay’adaha iyo shakhsiyaadka qabanqaabiya hawlaha samafalka kula talisay inay raacaan habraacyo dhowr ah marka ay baahinayaan xogta carruurta ama ay qabanqaabinayaan ololeyaal dhaqaale ururin ah.
Habraacyadaasi waxaa ka mid ah in mudnaanta koowaad la siiyo danta ugu wanaagsan ee ilmaha, oggolaansho laga helo waalidiinta ama dadka sharciga u haya, la ilaaliyo aqoonsiga carruurta, isla markaana xogtooda si mas’uuliyad leh loo adeegsado.
Ageng’o ayaa intaas ku dartay in oggolaanshaha waalidka uusan si toos ah sharciyad ugu siinayn in la shaaciyo sawirrada ama xogta xasaasiga ah ee ilmaha, haddii arrintaasi khatar gelin karto badbaadadiisa, sharaftiisa ama dantiisa.
Waxay xusuusisay bulshada in carruurtu xaq u leeyihiin asturnaan, sharaf iyo badbaado, ha ahaato nolosha dhabta ah ama tan internetka.
Waxay sidoo kale ugu baaqday hay’adaha iyo shakhsiyaadka ku hawlan samafalka iyo gargaarka bani’aadannimo inay yeeshaan siyaasado lagu ilaaliyo carruurta, si loo hubiyo in dhammaan hawlahoodu dhowraan xuquuqdooda iyo daryeelkooda.