Shiinaha oo sii adkaynaysa xariirka kala dhaxeeya Kenya

0
145

Shiinuhu wuxuu dib u xaqiijiyay xiriirka qotada dheer ee uu la leeyahay Kenya, isagoo iftiiminaya fursadaha ganacsi ee la ballaariyay iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ka dib booqashadii dhawaan uu dalka ku yimid Madaxweyne ku xigeenka shiinaha Han Zheng.
Isagoo ka hadlayay kulan uu la yeeshay saxafiyiinta iyo aqoonyahannada Kenya, Safiirka Shiinaha ee Kenya Guo Haiyan ayaa sheegay in booqashadii uu dalka ku yimid madaxweyne ku xiigeenka Shiinaha ay ahayd mid guul ah, taasoo muujinaysa sida Beijing uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindiki, ayaa xiligaas kulan heer sare ah la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Shiinaha kaasi oo sido kale wadahadallo la qaatay Madaxweynaha dalka William Ruto.
Kulamadaas ayaa looga hadlay Ganacsiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Kenya.