Ururka Shaqaalaha dalka ee (COTU) ayaa ku baaqay in mushaharka shaqaalaha lagu kordhiyo 23 boqolkiiba, iyagoo sheegay in kororka qiimaha shidaalka uu si weyn u saameeyay nolosha, isla markaana uu kordhiyay kharashaadka gaadiidka iyo cuntada.
Xoghayaha Guud ee COTU Francis Atwoli ayaa sheegay in ururrada shaqaalaha ay dalbanayaan kordhintan si loo yareeyo culayska dhaqaale ee shaqaalaha, isagoo tilmaamay in xaaladda hadda jirta ay adkeynayso nolosha qoysas badan.
Waxaa uu sheegay in ururrada qaar ay dib u eegayaan heshiisyada shaqada si ay ula jaanqaadaan isbeddellada dhaqaale, isla markaana mushahar kordhinta ay noqoto mid waafaqsan xaaladda dhabta ah ee suuqa.
Atwoli ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo xasilloonida dalka, isagoo ka digay in xiisadaha siyaasadeed ay dhaawici karaan dhaqaalaha, waxaa uuna sheegay in kororka qiimaha shidaalka uu yahay dhibaato caalami ah oo saameynaysa dalal badan.
Home Wararka Kenya Shaqaalaha oo dalbanaya koror dhanka mushaharka ah iyadoo qiimaha shidaalka sare u...




