Shaqaalaha isbitaalka Nairobi Hospital ayaa shaaciyay in toddobo cishe ka dib ay guda geli doonaan shaqo joojin.
Waxaa ay sheegeen in maamul xumi ay isbitaalka ka jirta.
Xoghayaha guud ee ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) Dr. Davji Atellah ayaa dalbaday in ay is casilaan guddiga iyo golaha fulinta ee isbitaalka Nairobi Hospital.
Ururka ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta dalka oo ay wehliyaan dhaqaatiirta isbitaalka Nairobi ayaa u qabtay muddo 7 maalmood ah in guddiga isbitaalkaasi ay isku casilaan haddii kale ay abaabuli doonaan shaqo joojin.