Ururka Shaqaalaha Gaadiidka (TAWU) ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku dalbanayaan tallaabo degdeg ah oo lagu wajaho masiibada joogtada ah ee shilalka waddooyinka dalka, kuwaas oo si gaar ah u saameeya darawallada baabuurta waaweyn, basaska iyo isticmaaleyaasha kale ee waddooyinka.
Warbixinta oo la soo saaray Isniintii shalay ayaa ururka ku muujiyay walaac weyn oo ku saabsan dhibaato nidaamsan oo ka dhalata xaalado shaqo oo liita, hab dhaqan ganacsi oo khatar ah, fulin sharci oo daciif ah iyo kaabayaal waddo oo aan ku filnayn, kuwaas oo sii kordhinaya khasaaraha nafaha ee ka dhaca waddooyinka waaweyn ee dalka.
Ururka ayaa carrabka ku adkeeyay in badqabka waddooyinka uu yahay arrin la xiriirta xuquuqda shaqaalaha iyo badqabka guudba, maadaama darawallada yihiin shaqaale, xaaladaha ay ku shaqeeyaanna ay si toos ah u saameeyaan naftooda, rakaabka, dadka lugaynaya iyo guud ahaan bulshada.
TAWU ayaa sheegtay in shilalka waddooyinka aysan ahayn dhacdooyin gooni gooni ah, balse ay yihiin dhibaato nidaamsan oo u baahan xalal dhammaystiran. Sidaas awgeed, ururka ayaa soo bandhigay saddex dalab oo waaweyn oo lagu doonayo in wax looga qabto sababaha salka u ah shilalka.
Dalabka koowaad ayaa ah in la hubiyo mushahar caddaalad ah iyo xaalado shaqo oo ammaan ah oo loo sameeyo darawallada. Waxaa uu sidoo kale taageeray mabda’a Safe Rates ee Xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Gaadiidka (ITF), kaas oo tilmaamaya in waddooyin aan ammaan ahayn ay inta badan ka dhashaan habab ganacsi oo aan ammaan ahayn. Mushahar yar, saacado shaqo oo dhaadheer, jadwal gaarsiin oo aan macquul ahayn iyo cadaadis ka yimaada loo shaqeeyeyaasha ayaa lagu sheegay inay darawallada ay ku riixaan xawaare sare, culeys xad dhaaf ah iyo kaxayn iyagoo daallan ama xanuunsan. Habka Safe Rates ayaa hubinayaa in darawallada lagu bixiyo dhammaan waqtiga ay shaqeeyaan, oo ay ku jiraan waqtiga sugitaanka, nasashada iyo dib u dhacyada.
Dalabka labaad ayaa ah hirgelinta buuxda ee Hagayaasha Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) ee Badqabka Waddooyinka iyo Shaqo Wanaagsan. Hagayaashan ayaa xooga saarayaan saacado shaqo oo macquul ah, waqti nasasho oo ku filan, dayactir sax ah oo gaadiidka loo sameeyo, wada tashi xooggan oo dhex mara dowladda, loo shaqeeyeyaasha iyo ururrada shaqaalaha, iyo dhaqan gelin adag oo heerarka badqabka iyo caafimaadka shaqada ee gaadiidka waddooyinka.
Dalabka saddexaad ayaa la xiriiray kaabayaasha, kuwaas oo ururka uu u arkay arrin muhiim u ah badqabka iyo shaqo wanaagsan. TAWU ayaa taageertay mashaariicda waaweyn ee socda iyo kuwa qorshaysan, oo ay ku jiraan ballaarinta waddada Rironi iyo Mau Summit iyo horumarinta iyo fidinta marinka waddada degdegga ah ee Nairobi iyo Mombasa. Sida uu ururka sheegay, mashaariicdan ayaa muhiim u ah yaraynta ciriiriga, daalka darawallada, dib u dhacyada iyo is dhexgalka khatarta ah ee gaadiidka oo sababa shilalka.
War murtiyeedkan ayaa kusoo beegmay xilli ay sii kordheen shilalka waddooyinka ee dalka. Saacado kooban ka hor intaan la soo saarin bayaanka, shil culus oo ka dhacay aaga Karai ee deegaanka Naivasha ee waddada xiriirisa Nairobi iyo Nakuru, ayaa sababay dhimashada sagaal qof, oo ay ku jireen laba carruur ah, kaddib markii bas ay isku dhaceen gaari yar oo rakaab ah saqdii dhexe ee habeenka.
Home Wararka Kenya Shaqaalaha gaadiidka oo u jeediyay dowladda saddex dalab kaddib shilal waddo oo...




