Senatarka Busia oo doonaya in booliiska lagu qasbo inay guddoomaan farriintiisa

0
244

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa doonaya in maxkamadda ay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ku qasabto inuu siyaasigan fursad u siiyo inuu qoro farriin ku aaddan in loo hanjabay.
Senatarka ayaa codsigan u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu cabsi ku beeray hadal uu madaxweynaha dalka William Ruto bishii hore ka jeediyay ismaamulka Kisii .
Madaxweynaha ayaa xilligaasi sheegay inuu la tacaali doono shakhsiyaadka maxkamadaha geynaya dacwado ka dhan ah mashruuca guriyeynta ee dowladda.
In kastoo uunan madaxweynaha si toos ah u carrabaabin Omtatah iyo waxyeello uu u gaysanaya haddana senatarka ayaa ku doodaya in si dadban loogu hanjabay.