Safaricom oo dhabaal degga Shangwe @25 1 milyan ku guddoonsiisay wiil soomaali ah

0
540

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa barnaamijka dhalacaada macaamiisha ee Shangwe @25 waxaa ay 1 mliyan oo shillinka dalka ah ku guddoonsiisay Cabdi Daahir oo 25 sano jir ah, oo ka soo jeeda magaalada Gaarisa.
Cabdi Daahir ayaa ka shaqeeyay goobaha lagu raro baabuurta xamuulka qaado ee xaafadda Islii si uu u maareeyo noolal maalmeedka reerkiisa oo ka kooban 8 qof.
Ka dib markii lagu wargeliyay guusha uu ka gaaray barnaamijka ayuu Cabdi waxaa uu shirkadda la wadaagay inuu qorsheeynaayo inuu lacagtan u isticmaalo si uu hooyadiisa iyo walaalahiis ugu dhiso guri, ka taageero waxbarashada iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin.
Shirkadda oo sidoo kale abaal marin 250,000 oo gooni ah siinayso guuleeysta kaste si loogu fuliyo mashruuc bulsho oo oo uu guuleeystaha xusho ayaa waxaa uu Cabdi doortay in 250,000 loogu deeqo Dugsiga Hoose ee Sangailu ee ismaamulka Gaarisa, halkaas oo carruurta inta badan ay la daaladhacayaan kuraas yari iyo biyo la’aan.
25-jirkan hadalka jilicsan, guushani waa wax aan ka yarayn mucjiso, mid uu rajeynayo in dadka kale ee Kenya ay sidoo kale la kulmi doonaan.