Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa beeniyay inuu xisbi cusub aasaasay.
Madaxa isgaarsiinta ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka Kenya, Njeri Rugene ayaa sheegay in warbixin uu daabacay wargeys maalinle ah uu yahay mid been abuur ah oo niyad xumo ku saleysan.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu sii xoogaysanayo khilaafka shaqo ay soo kala dhex galay Rigathi Gachagua iyo hoggaamiyaha dalka William Ruto.