Waxaa maqaaxida Safari Park ee magaalada Nairobi ka socoto munaasabad sanadle ah oo wadanka loogu duceeyo.
Madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa dadweynaha ku hoggaaminaya ka qayb galka madashaasi.
Waxaa diiradda lagu saaraya xoojinta midnimada kenyaanka , maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa .
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa shacabka ku boorriyay in aynan niyad jabin xita iyadoo uu wadanka caqabado wajahaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay qaadday tallaabooyin lagu wanaajinaya maciishadda si loo xalliyo culeysyada haysta dadweynaha.