Raymond Omollo oo hoggaamiyeyaasha ugu baaqay ilaalinta nabadda iyo ka fogaanshaha kicinta qalalaasaha

0
181

Xoghayaha Joogtada ah ee Amniga Gudaha, Dr. Raymond Omollo, ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo shacabka ay ilaaliyaan nabadda iyo midnimada, isaga oo sheegay in xasilloonida dalka ay ku tiirsan tahay mas’uuliyad wadajir ah. Waxaa uu hadalkan ka jeediyay deegaanka Seme ee dowlad deegaanka Kisumu, halkaas oo uu uga digay hadallo iyo falal kicin kara qalalaase.
Omollo ayaa carrabka ku adkeeyay in tartanka dimuqraadiyadeed uu yahay mid sharci ah, balse ay lama huraan tahay in si mas’uuliyad leh loo maareeyo, si looga fogaado wax kasta oo dhaawici kara wada noolaanshaha bulshada. Waxaa uu hadalkan ka jeediyay munaasabad aas ah oo loo sameynayay aabbaha xildhibaanka Seme, James Nyikal.
Sidoo kale, waxaa uu difaacay xaqa ay hoggaamiyeyaasha u leeyihiin inay si xor ah u ololeeyaan, isaga oo xusay in ka qaybgalka dimuqraadiyadda la dhowro, isla markaana la ilaaliyo ixtiraamka iyo wadajirka bulshada. Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan hadallada kala qaybinaya oo aan dib loogu noqon xiisadihii siyaasadeed ee hore.
Ugu dambeyn, Omollo ayaa muujiyay kalsooni uu ku qabo in gobolka Nyanza uu taageeri doono madaxweyne William Ruto mar kale, isagoo tilmaamay mashaariic horumarineed oo socda, isla markaana sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka ay ka go’an tahay taageeridda dib u doorashada madaxweynaha.