Iiraan oo dil toogasho ah ku fulisay nin lagu helay dilka askari intii ay socdeen rabshadihii 2022

0
186

Iiraan ayaa fulisay dil toogasho ah oo lagu xukumay nin lagu helay ku lug lahaanshaha dilka askari ka tirsan hay’adaha ammaanka dalkaas, ka dib markii Maxkamadda Sare ay ansixisay xukunkiisa dilka dabayaaqadii 2025-kii.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Mehrab Abdollahzadeh ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa dadka ugu waaweyn ee ka dambeeyay dilka Abbas Fatemiyeh sanadkii 2022-kii, xilli ay dalka ka socdeen dibadbaxyo ballaaran oo ka dhashay geerida haweeney dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Mahsa Amini, taas oo ku dhimatay gacanta booliiska.
Warbaahinta garsoorka ee Iiraan ee Mizan ayaa sheegtay in ninka la xukumay uu qirtay inuu weeraray askariga la dilay. Si kastaba ha ahaatee, ururka xuquuqda aadanaha ee HRANA ayaa soo xigtay ilo xog ogaal ah oo sheegay in qirashadaas lagu helay jirdil lagu khasbay.
Kiiskan ayaa mar kale soo jiitay dareenka ku aaddan habka caddaaladda ee Iiraan, gaar ahaan eedeymaha la xiriira adeegsiga jirdilka si loo helo qirashooyin, xilli ay weli taagan yihiin doodaha ku saabsan sida loo maareeyay dibadbaxyadii 2022-kii.