Raa’iisul Wasaare Xamse oo bogaadiyay shaqaalaha Soomaaliyeed

0
376

Raa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 01-ka bisha May.
Raa’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta adeegyada bulshada, isaga oo xusay in shaqaalaha ay laf dhabar u yihiin kobaca iyo adkeysiga Qaranka.
Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay sida ay Xukuumadda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta xirfadaha si loo helo shaqaale tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.
Raa’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay guul waarta, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.