Soomaaliya oo dalalka Carabta ka dalbatay inay ka caawiyaan hor istaaga aqoonsiga Somaliland

0
66

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa dalalka Carabta ugu baaqay inay adeegsadaan xidhiidhkooda iyo saamayntooda diblomaasiyadeed si looga hortago in aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland uu isu beddelo olole ay dalal kale ku aqoonsadaan Somaliland.
Cali Maxamed Cumar oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Soomaaliya ay xidhiidh toos ah la leedahay maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, si ay uga muujiso sida ay uga soo horjeeddo aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si dhab ah ula socoto dood kasta oo ku saabsan aqoonsi cusub.
Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Israa’iil ay bishii December noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsada Somaliland, kaddibna ay labada dhinac is-weydaarsadeen safiirro, iyadoo Somaliland ay safaarad ka furtay Qudus, halka Madaxweynaha Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tagay Israa’iil. Si kastaba, wuxuu sheegay, in aqoonsigaasi ilaa hadda ma aanu dhalin mowjad aqoonsiyo kale oo caalami ah.
Wasiiru-dawluhu wuxuu ka digay isku day kasta oo dal shisheeye uu ku doonayo inuu Soomaaliya ka sameysto joogitaan ciidan ama sirdoon oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka, isagoo sheegay in militaraynta arrinta Somaliland ay khatar ku noqon karto Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Isagoo ka hadlayay mowqifka dalalka Carabta, Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in jawaabtii degdegga ahayd ee Carabtu ka bixisay aqoonsiga Israa’iil ay muhiim ahayd, maadaama ay muujisay in go’aanka Israa’iil aanu waxba uga beddelin waxa uu ku tilmaamay is-afgaradka caalamiga ah iyo kan gobolka ee ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso tallaabooyin ka baxsan cambaareyn oo keliya.
Waxa uu ku dooday in midnimada Soomaaliya ay ahayn arrin ku kooban Soomaalida oo keliya, maadaama kala go’a dal Carbeed iyo Afrikaan ah uu abuuri karo tusaale ay cawaaqibtiisu ka gudbi karto Soomaaliya.