Burcad-badeed Soomaali ah oo Dilay Shan Shaqaale oo Saarnaa Markab Saliid Qaadayay

0
241

Burcad-badeed ayaa dishay shan shaqaale oo saarnaa markab shidaal siday oo ka babanayay calanka dalka Palau, xilli uu marayay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaaliya.
Markabka oo lagu magacaabo MT Honour 25 ayaa burcad-badeeddu qabsadeen 21-kii Abriil, iyadoo markabku sida lagu sheegay uu siday ku dhowaad 18,500 foosto oo saliid ah.
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay hawlgal ku soo furteen markabka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 16 qof oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo.
Wasaaraddu waxay sheegtay in shan ka mid ah shaqaalihii markabka la dilay ka hor inta aan hawlgalka samatabbixintu bilaaban. Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa saddex u dhashay Pakistan, hal Myanmar ah iyo hal Hindi ah.
Sidoo kale, afar shaqaale oo kale ayaa lagu dhaawacay dhacdada, kuwaas oo saddex ka mid ahi ay Pakistani ahaayeen, halka mid kalena uu Hindi ahaa.
Ciidanka Booliiska Badda Puntland ayaa sheegay in markabku hadda yahay mid ammaan ah oo gacanta dowladda ku jira, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu raadinayo dadka kale ee lala xiriirinayo afduubka markabka.
Hawlgalkan ayaa dhacay toddobaad kaddib markii ciidamada badda Puntland ay soo furteen markabka Sibu 1, kaas oo burcad-badeeddu qabsadeen bishii Agoosto.
Si kastaba ha ahaatee, 28 ka mid ah 41 qof oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo oo lagu qabtay hawlgalkaas ayaa markii dambe baxsaday xilli loo waday xabsiga.