QM oo sheegtay in hal milyan oo shacabka Qaza ah ay ku barakaceen weerarrada Israa’iil

0
334

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in muddo maalmo ah duqeymaha Israa’iil ay ku barakaceen qiyaastii hal milyan oo qof oo ku noolaa Qaza.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xaaladda ka taagan Qaza lagu tilmaamaya mid aad looga xumaado.