Hoggaamiyaasha muslimiinta oo ku baaqay in Kenya ay xiriirka u jarto Israa’iil

0
325

Hoggaamiyaasha muslimiinta ee dalka ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay xiriirka dibloomaasiyadeed u jarto Israa’iil.
Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF, Sheekh Cabdullahi Cabdi ayaa baaqan soo saaray.
Waxaa uu sheegay in Kenya laga doonayo inay garab istaag u muujiso shacabka Falastiin gaar ahaan kuwa ku nool Qaza oo go’doonsan muddo 16 sano ah.
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay in loo yeero safiirka Kenya ku matalo Israa’il.
Guddoomiyaha NAMLEF ayaa shir jaraai’d oo uu ku qabtay masjidka wayn ee Jamia Mosque ee magaalada Nairobi ka sheegay in falcelinta Israa’iil ee ka dib weerarradii ururka Xamaas ay tahay xasuuq loo gaysanaya shacabka Falastiin.