NCIC oo billowday olole ka dhan ah kooxaha hubeysan

0
239

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa billaabay olole lagula tacaalaya kooxaha hubeysan ee dhallinyarada ah ee qaab abaabulan u gaysta falal dambiyeedyada.
Nidaamkan oo lagu xoojinaya nabadgalyada magaalooyinka waawayn ayaa si gaar ah diiradda u saaraya Mombasa, Kisumu, Nakuru, Eldoret iyo Nairobi.
Waxaa uu qorshuhu yahay in guddiga NCIC uu bisha Toddobaad ee sanadkan qabto shirweyne ku saabsan wacyigelinta dhallinyarada .
Guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka Samuel Kobia ayaa walaac ka muujiyay in qaybo ka mid ah wadanka ay dib uga billowdeen kooxo abaabulan oo burcad ah sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin looga hor tagaya.
Kobia ayaa xusay in haddii aan kooxahan lala tacaalin in ay saameyn wayn ku yeelan karaan nabadgalyada , midnimada iyo xasilloonida guud ee dalka.