Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saxiixay mashruuca adeegga korontada lagu gaarsiinaya deegaannada .
Tani ayaa timid ka dib markii ay dowladda Faransiiska gaar ahaan wakaaladeeda qaabilsan horumarka , Midowga Yurub iyo Bangiga Maalgashiga ee Midowga Yurub ay Kenya ugu deeqeen 27 bilyan oo shilin .
Waxaa uu qorshuhu yahay in adeegga korontada la gaarsiiyo 280,000 oo qoysas ah.
Madaxweyne William Ruto oo ka mahadceliyay taageerada dhaqaale ayaa dhanka kale xusay in lacagtan ay dardargelin doonto fulinta qorshaha dowladda ee ah in dhammaan kenyaanka ay adeegga korontada helaan ka hor sanadka 2030-ka.
Waxaa uu xusay in mashruuca xiriirinta korontada laga fulinaya 32 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe ee dalka ay kaashanaysa Bangiga Horumarinta Afrika iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya si loo saxiixo heshiis ku kacaya 22 bilyan oo shilin oo adeegga korontada lagu gaarsiinaya ugu yaraan 270,000 oo macaamiil dheeraad ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay helidda adeegga korontada oo sanadkii 2013-kii ahaa boqolkiiba 27 ay hadda gaarsiisay ugu yaraan boqolkiiba 76 ee shacabka dalka.
Danjiraha Midowga Yurub ee Kenya Ambasadoor Henriette Geiger ayaa sheegtay in wadanka uu jaho wanaagsan ku socdo marka la eego ka dhabeynta hadafyada xiriirinta korontada.
Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Davis Chirchir ayaa dhankiisa qandaraasleyda mashruucan fulinaya ku boorriyay in ay qabtaan shaqo u qalanta dhaqaalaha wadanka uga baxaya howshan.