Natembeya oo saraakiishi amniga lagala laabtey

0
355

Saraakiishii amniga ee ilaalinaysay barasaabka ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya ayaa lagala laabtey.
Guddoomiyaha ayaa wakaalada wararka ee Citizen Digital u sheegay in saraakiisha amniga ee ilaalinayay gurigiisa iyo ilaaladii la socotay lagala noqdey xalay saq dhexe.
Arrintan ayaa ka dambeysay weerarro lagu qaaday barasaabka Sabtidii la soo daafay ka dib markii kooxo hubaysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen isagoo ku suggan waaxda Chwele ee deegaan barlamaaneedka Kabuchai ee dowlad deegaanka Bungoma.
Kooxdan ayaa sidoo kale weerartay guriga xildhibaanka Kabuchai Majimbo Kalasinga.
Sawirro iyo muuqaallo si weyn loo baahiyay ayaa muujinayay baabuurta Natembeya oo la burburiyay, iyadoo madaxa ismaamulka uu ku andacoonayo in dhowr jeer rasaas lagu soo riday intii ay socotay shaqaaqada.
Natembeya ayaa weerarka ku eedeeyay afhayeenka barlamaanka qaranka Moses Masika Wetagula.