Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen, ayaa digniin u diray madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka, Rigathi Gachagua, isagoo ku eedeeyay inuu kordhinayo abaabul siyaasadeed oo uu ku adeegsanayo hadallo kicin iyo shabakado siyaasadeed si uu u ballaariyo saameyntiisa ka hor doorashada guud ee 2027.
Murkomen ayaa sheegay inuu si dhow ula socday hadalladii ugu dambeeyay ee Gachagua, isagoo muujiyay walaac ah in farriimaha siyaasadeed ee sii adkaanaya ee madaxweyne ku-xigeenkii hore ay khatar ku yihiin midnimada dalka, xilli Kenya ay u baahan tahay isku-duubni iyo wadajir.
Waxa uu ku eedeeyay Gachagua inuu adeegsanayo weerarro siyaasadeed, hadallo ku saleysan qabiil ama qoomiyad, iyo erayo kicin ah si uu u xoojiyo taageerada uu ka haysto qaybo ka mid ah dalka, isla markaana ugu qanciyo siyaasiyiin inay ku biiraan xisbigiisa siyaasadeed.
Murkomen ayaa sidoo kale sheegay in isku dayga Gachagua ee ah inuu isu muujiyo hoggaamiye goboleed uusan ahayn mid loo oggolaan karo inuu wax u dhimo midnimada qaranka, isagoo xusay in magacaas uusan lahayn wax sal sharci ama dastuuri ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale dhaliilay dhaleeceynta joogtada ah ee Gachagua uga jeediyo sida uu u maareeyo arrimaha amniga, isagoo sheegay in weerarradaasi u muuqdaan kuwo lagu doonayo in lagu leexiyo dareenka shacabka lagana fogeeyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Gachagua.
Murkomen wuxuu ku andacooday in Gachagua uu isaga si shaqsi ah u weerarayo, isla markaana uu dhinaca kale ka abaabulayo xulafo siyaasadeed gobollo kala duwan.
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo Gachagua uu xoojinayo dadaallada uu ku doonayo inuu dhiso isbahaysi ballaaran oo mucaarad ah ka hor doorashada 2027.
Gachagua ayaa sidoo kale ku baaqayay in xisbiyada mucaaradka ay isku raacaan hal musharrax oo awood u leh inuu la tartamo Madaxweyne William Ruto doorashada soo socota.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay shacabka Kenya inay ka feejignaadaan dadaallada uu ku tilmaamay kuwo lagu faa’iideysanayo kala duwanaanshaha siyaasadeed iyo aqoonsiyada qowmiyadeed si loogu helo dano siyaasadeed.
Gachagua ayaa xilka looga qaaday sanadkii hore kadib markii baarlamaanku ansixiyay mooshin xil ka qaadis , tan iyo markaasna wuxuu noqday mid ka mid ah dhaliilayaasha ugu waaweyn ee dowladda Kenya Kwanza.
Murkomen ayaa ku adkaystay in weerarrada siyaasadeed ee loo jeedinayo aysan ka mashquulin doonin gudashada waajibaadkiisa wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.




