Xoghayaha Wasaaradda Ciyaaraha, Elijah Mwangi, ayaa ballanqaaday in dhismaha iyo dayactirka xarumaha ciyaaraha ee ka socda dalka oo dhan lagu dhammaystiri doono sagaalka bilood ee soo socda.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Sporty Monday ee Citizen TV, Mwangi ayaa sheegay in dowladda qaranka iyo dowlad-goboleedyadu ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii qandaraaslayaashu mashaariicda ugu dhammaystiri lahaayeen waqtigii loogu talagalay.
“Waxaan ku kalsoonahay in mashaariicdu diyaar noqon doonaan sagaalka bilood ee soo socda. Waxaan si wadajir ah ula shaqeynaynaa dowlad-goboleedyada si loo hubiyo in mashaariicda waqtigii loogu talagalay loo dhammaystiro, looguna adeegsado,” ayuu yiri Mwangi.
Mwangi ayaa sheegay in dowladda ay dalka oo dhan ka dhisayso 33 garoon oo cusub, iyadoo sidoo kale dib-u-dayactir lagu sameynayo xarumaha ciyaaraha ee hore u jiray.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu gaarsiinayo kaabayaasha ciyaaraha heer gobol iyo deegaan, si loo abuuro fursado badan oo ay helaan ciyaartooyda iyo bulshada ku nool deegaannada kala duwan.
PS-ka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda ay si dhow ula shaqeynayso saraakiisha CAF, si Kenya ay ugu diyaar garowdo martigelinta wadajirka ah ee Koobka Qaramada Afrika (AFCON) ee sannadka soo socda, kaas oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Kenya, Uganda iyo Tanzania.
Mwangi ayaa intaas ku daray in dowladda ay sidoo kale la shaqeynayso xiriirrada ciyaaraha si loo hubiyo in xarumaha cusub ay buuxiyaan heerarka loo baahan yahay, isla markaana ay ku habboon yihiin noocyada ciyaaraha ee deegaan kasta ku wanaagsan yahay.
Home Wararka Kenya Xoghayaha Ciyaaraha oo ballanqaaday in garoomada lagu dhammaystiri doono sagaal bilood gudahood




