70 jir lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah ka dib markii uu faraxumeeyay gabadh yar

0
111

Maxkamad ku taalla Kajiado ayaa nin 70 jir ah ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambiga kufsiga ilmo aan qaan-gaarin, kaas oo dhacay 11-kii Janaayo 2026.
Bayaan ay Khamiistii uu soo saartay xafiiska aggaasimaha dacwad oogidda ODPP ayaa lagu sheegay in Garsoore Gachuki Nelson oo ka tirsan Maxkamadda Loitoktok uu eedeysanaha ku helay dambiga kufsiga carruurta, kaas oo ka soo horjeeda Qodobka 8 ee Sharciga Dambiyada Galmada.
Intii uu socday dhageysiga dacwadda, Xeer Ilaaliyaha Sare Thomas Mwaura ayaa sheegay in eedeysanuhu uu gabadha yar ku siray gurigiisa, halkaas oo uu ku kufsaday. Mwaura wuxuu maxkamadda u sheegay in dhibbanuhu ay suuqa deegaanka u tagtay si ay biyo uga soo iibsato ka hor dhacdada.
Go’aankeedii Talaadadii, maxkamaddu waxay sheegtay in dacwad-oogidu ay si shaki ka baxsan u caddeysay kiiska, iyadoo tixraacday da’da dhibbanaha, jiritaanka falka galmada ee sharci-darrada ah, aqoonsiga saxda ah ee eedeysanaha oo lagu taageeray markhaatiyo lagu kalsoon yahay, iyo caddeymo caafimaad oo xaqiijinaya dhacdada.
Maxkamaddu waxay sidoo kale dhaqan gelisay xukunka ugu yar ee khasabka ah ee sharcigu dhigayo, inkastoo qareennada eedeysanaha ay codsadeen in xukunka loo fududeeyo iyagoo ku sababeeyay da’diisa iyo waxa ay ku tilmaameen “akhlaaqdiisii hore ee wanaagsan.”